Al-Shabaab oo "41 xubnood looga dilay dagaal" ay la gashay ISIL

Image
Labada kooxood ee xagjirka ah ayaa gorada iskula jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

BOOSAASO, Puntland - Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo soo xiganeysa ilo rasmi ah ayaa sheegtay in in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaallo ka dhacay Waqooyi Bari Soomaaliya.

SONNA waxay sheegtay "in 43 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay dagaallo dhiig badan ku daatay oo Isniintii ku dhex maray kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraha Golis ee Waqooyi Bari Soomaaliya".

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka intii uu socday lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

"Maleeshiyada ISIS waxay jabiyeen Khawaarijta waxayna maamulayeen aagga ay ku dagaalameen labada kooxood ee xagjirka ah," ayay SONNA kasoo xigatay ilo-wareedyo aysan magacaabin.

Dhanka kale, macluumaad kale oo laga helay illo wareedyo madax-banaan ayaa tibaaxaya in xubnaha Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen qarax is-miidaamin ah oo ay wadada ugu aas-aaseen xoogaga Daacish.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dagaalo qaraar uu buuraleyda Puntland waxa uu ku dhexmarayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay iyaga oo isku-haya maamulka iyo gacan ku haynta dhulkaas.

Isku-dhaca labada kooxood ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay isku-diyaarineyso in ay qaado wajiga labaad ee gulufka  ka dhanka ah Al-Shabaab kaasoo hadafkiisu yahay xoreynta Jubadda Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM