Al-Shabaab oo qabsatay Af Urur markii ay ka baxeen ciidanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Dagaaglameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xili hore oo maanta oo Sabti ah la wareegay gacan ku haynta tuulada Af Urur ee gobolka Bari.

Qabsashada xoogaga gacan saarka la leh Al-Qaacida ee degaankaasi ayaa timid markii 30-kii bishii May ay faarujiyeen xoogaga dowlada Puntland.

Lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in ay ciidanku banaaneeyaan aagaasi balse waxaa lagu macneeyay "xeelad ciidan". Taliska wali kama hadlin xaaladan cusub.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online "in ay been tahay" wararka sheegaya in Shabaab ay dagaal ku gashay tuuladda.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Shabaabka degaanka galay ay gudaha ugu galeyn saldhigii ciidanka Daraawiishta Puntland kaasoo aysan cidna ku jirin.

Bishii June ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ku duushay saldhigaasi iyadda oo sheegatay in ay ku dishay ku dhowaad 50 askar.

Talaabada ay ciidamada uga baxeen degaanka ayaa imaaneysa iyadda oo ay kordheen weerarada dhanka cirka ee Mareykanka qaybo kamida gobolka kula beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish.

Bishii hore, ku dhowaad 30 dagaalame ayaa wadar ahaan kooxahaasi looga khaarijiyey todobada duqeyn oo lagula beegsaday Buuraldeyda Golis halkaasoo ay ku dhuumaaleystaan dagaalameyaasha kooxahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM