Ardeyda Jaamacadda MU qabyteeda Bosaso oo qabtey wacyigelin

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 23, 2015 (GO)- Ardayda Jaamacadda Muqdisho qaybta Bosaso ee wax ka barta kulliyadda Nursing & Health Science ayaa soo bandhigay barnaamij ku Saabsan faya-dhowrka caafimaadka.

Barnaamijkan wacigalinta oo ka dhacay Hoolka Jaamacadda ayey ardeydu kusoo bandhigeen khudbado sharraxaya faya-dhowrka iyo sada ka hortaggu uga muhiimsan yahay daaweynta.

Ardayda ayaa sido kale soo Bandhigay riwaayad ku saabsan ilaalinta caafimaadka taas oo ka turjumaysay in qofka markii uu xanuun dareemo la xiriiro goobaha caafimaadka si uu ula tashado.

Dhanka kale, waxay ku booriyeen dhamaan ka soo qeebgalaysha inay isticmaalaan caagadaha qashinka lagu uruuriyo si loo yareeyo faafidda cudurada.

Uga danbayntii waxaa u soo xirey barnaamijka masuliyiinta Jaamcadda qayb ka mid ah kuwaaso kala ah madaxa waaxda diiwaan galinta iyo arimaha ardayda Mohamed Abdulkadir Mohmed iyo madaxa Academy-ga Mostafe Sheekh Bashiir Mohmed, labada mas'uul ayaa uga mahdceliyay ardayda barnaaamijka wanaagsan ee ay soo bandhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM