Askar ka tirsan ciidanka Puntland oo maanta lagu dilay Isku Shuban

Image

ISKU SHUBAN [Garowe Online]- Nin shacab ah ayaa saaka degmada Isku shuban ee Gobalka Bari ku dilay labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka badda Puntland iyo ciidanka booliska.

Lama yaqaan sababta ka danbaysa dilka labadaani askari balse wararka GO uu ka helayo degmadaasi ayaa sheegaya inuu salka ku hayo arrimo aano qabiil ah waxana socda dadaalo lagu aasayo askarta geeriyooday.

Askari ka mid ah ciidanka badda Puntland ''MPMF'' oo magaciisa ka gaabsaday in la baahiyo ayaa sheegaya xaalada degmadu inay kacsan tahay oo laga yaabo dilka labadaani askari inay isku badasho dagaalo xoogan.

Degmada Isku shuban waxaa shalay soo gaaray Taliyaha ciidanka booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen iyo Odayaal kale kuwaasoo waday dadaal lagu dhexgalayo beelo dagaal ku dhexmaray degmada.

Balse waanwaantii socotay ayaa waxaa caqabad ku noqotay dilka labadani askari oo mid ka mid ah uu degmada u yimi sidii arintan taagan loo dhamayn lahaa.

''Wararka isoo gaaraya ayaa sheegaya dilka labadani askari inuu yahay mid xiisad ka abuuraya Isku-shuban, Askariga Booliska ah Aabihiis ayaa wuxuu dilay ninka maanta wax dilay walalkiis taasoo sabab u ah ayay dadka deegaanku ii sheegeen balse xaaladu way kacsan tahay ilaa wali''.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ku sugan Isku-shuban falkan wali kama aysan hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM