Askari u shaqeynayey dowlada Hoose ee Boosaaso oo la toogtey

Image

BOOSAASO- Sarkaal ka howl galayay Dowladda hoose ee Bosaso ayaa saaka lagu dhex toogtay Suuqa magaaladda xili uu ku jiray ururinta cashuurta maalin-laha ah.

Ciidamada amniga ayaa goobta tagey iyadoo baaritaano ka bilaabeen halkii dilku ka dhacey.

Qofkii dilka fuliyey ayaa goobta ka baxsadey sida aalaaba dhacda iyadoo kooxaahaan dilalka noocaan fuliya aan la qaban inta badan.

Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa ka fuliya dilalka la beegsanayo saraakisha iyo dadka waxgaradka magaalooyinka Puntland gaar ahaan magalada Boosaaso iyo Galkacayo.

Kooxhaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo rogey lacago ganacsatada iyadoo talaabadan ka tarjumeyso sida ay u diidan yihiin in maamulka ka jira magaalada ka qaado canshuurta dadka dagan xarunta ganacsiga Puntland.

Amaanka Puntland ayaa aad u xumaadey tan iyo markii uu xilka la wareegey Madaxweyne Gaas kadib markii hoos u dhac ku yimid hay’adaha amniga kuwasoo ay la soo gudboonaatey lacag la’aan sababtey iney qaban waayaan adeegii ay shacabka u hayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM