Axmed Karaasha oo loo doortey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Xubnaha Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa maanta doortay Madaxwayne ku xigeen kadib doorasho si wayn loogu loolamay oo ka qabsoontay xarunta Gollahaan ee magaalada Garowe.

Xilkaan waxaa utartantay 11 Musharax, kuwaasi oo wareegii koowaad ukala codadka sidaan soo socota:-

Maxamed Axmed Xasan Dhagaweyne, 1-Cod

Cabdixakiin Maxamed Gaalleef, 1-Cod

Cabdiraxman Guuleed Cali, 1-cod

Eng . Cabdixakiin C/laahi Camey, 11 -Cod

Cabdi Ibraahim Warsame [Qowdhan], 15 - Cod

C/laahi Cali Timacade, 12 - Cod

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], 24 - Cod

Wareegii labaad, waxaa usoo gudbay, Timacade oo heley 12 cod, Qowdhan oo uruur-saday 15 cod iyo Karaash oo ay ucodeysay 24 cod.

Timacadde ayaa ku haray wareegii 2aad, kadib markii uu helay 9 cod, halka Qowdhan oo gudbay uu helay 23 cod, Xildhibaan Karaash ayaana helay 34, taasi oo ugudbisay wareega 3aad.

Ugu dambeyntii, cod-bixinta mudanayaasha kadib, waxaa xilka Madaxwayne ku xigeenka ku guuleystay Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash], kadib markii uu helay 47 cod, halka Mr Qowdhan uu helay 19 cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM