Baaq lix qodob oo laga soo saarey xasarada siyaasadeed ee Puntland

Image
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa sheegtey in qodobadan ay xal u noqon karaan xaalada cakirnaanta ah.

GAROWE, Puntland - Madasha Siyaasadda Puntland oo war-saxaafadeed ka kooban laba bog ah ka soo saartey cakirnaanta siyaasadeed ayaa si xooggan waxay u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Dhamaan dhinacyadda ku lugta leh ayay ugu baaqdey in ay u hogaansamaan Isimada iyo Siyaasiyiinta dhexdhexaadinta wadda; beesha Caalamka ayay ka dalbadeen in ay soo farageliso xiisada taagan.

Sidda ku xusan bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, madasha ayaa waxay soo jeedinaysaa lix qodob kuwaas oo ay aaminsan tahay in ay xal u noqon karaan cakirnaanta siyaasadeed.

Qodobada ayaa kala ah;

1) Madashu waxay ku baaqaysaa in si sharuud la’aan ah in la joojiyo dagaalka laysuguna yimaado wadahadal loo dhanyahay.

2) Madashu waxaay ku baaqaysaa in dadaalada ay wadaan xubnaha Aqalka-Sare ee ku matala Puntland Dowladda Federaalka Somaaliya in lasoo dhaweeyo sidoo kalana la garab istaago.

3) Madashu waxay ku baaqaysaa in la maqlo soo-jeedinta isimadda dhaqanka Puntland maadaama ay yihiin marjac.

4) Madashu waxay ku baaqaysaa in la isugu yimaado shirweyne looga arinsanayo mustaqbalka Puntland taasoo ay Isimadu iyo saamilayda siyaasadda Puntland hormuud u yihiin, si Puntland looga hortago marxaladda hubanti la’aanta ah ee xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni u horseeday Puntland.

5) Madashu waxay baaq u diraysaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in door muuqda ka qaataan ka hortaga hubanti la’aanta siyaasadeed iyo Amni ee Xukuumadda Saciid Deni u horseeday Puntland oo nabad ahayd rubuc qarni ka badan.

6) Madashu waxay u soo-jeedinaysaa Ciidamada Amniga Puntland inaysan ku dhex-milmin siyaasadda, sidii lagu yaqaanayna ay u taagnaadaan amniga iyo bedqabka Shacabka iyo Dowladda Puntland.

"Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland inay ilaashadaan amnigooda, wadajirkoodda iyo dowladnimadoodda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee kasoo baxay Madasha Siyaasada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM