Baarlamaanka Puntland iyo PUNSAA oo heshiis kala saxiixdey

Image
Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa goob-joog ka ahaa Heshiiska wada shaqaynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.

Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka ee arragti wadaaga iyo is-weydaarsiga wadaaga arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, horumarka iyo siyaasadda.

Sidoo kalena, la abuuro- hannaan wax ku ool leh oo ay xogta isugu gudbiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dadweynaha loo dhaweeyo tallada, lagana qeyb-geliyo shaqooyinka Golaha Wakiilada qabnayo.

Golaha Wakiillada waxaa u saxiixay heshiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame halka Dallada PUNSAA uu u saxiixay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Mudane Cabdirahman Cabdirisak Cabdirahman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM