Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey ajande lagu muransan yahay

Image
Qodobkan dooda badan uu dhaliyey ayaa ku saabsan wax ka bedelka dastuurka oo muran badan dhaliyay.

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa waxa uu u coddeeyay in la ansixiyo ajandaha kalfadhiga 52-aad oo uu ku jiro wax ka bedelka dastuurka oo muran badan dhaliyay.

Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Wakiiladda ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin kooban hase ahaatee waxaa lagu ayiday ajandaha la hor-dhigay kal-fadhigan.

"Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada, oo ay soo xaadireen 52 Mudane," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Cod aqlabiyad ah Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 52aad ee Goluhu ka shaqeyn doono mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan si rasmi ah maalinta berri (Axad, 18 bisha June, 2023)".

Mucaaradka oo ay kamid yihiin ururo siyaasadeedyo ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni inuu qorsheynayo muddo kororsi sharci darro ah.

Siyaasiyiintan oo dhowr jeer hadlay ayaa shaaca ka dhigay in talaabadan ay u horseedi karto xasillooni darro siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah waxayna soojeediyeen in laga waantoobo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM