Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Hantidhowrka guud ee dowladda

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxay kulan ku yeesheen xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Fadhiga oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha Golaha ayaa waxaa gudoomiyey afhayeenka Aqalka Wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhooba Daareed].

Ugu horeyn, mudaneyaasha ayaa codka xasaanadda siiyey Hantidhowrka guud ee dowladda, Cabdirisaaq Cumar Faarax, kaasi oo ka mahad-celiyey talaabadaasi.

Faarax, oo balanqaadey hufnaan shaqo iyo howlkarnimo, ayaa waxaa horaantii bishan July 2019 wareegto ku magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhinaca kale, sharcidejiyayaasha ayaa waxay meel-mariyeen heshiiska ilaalinta terminaaladda garoomada diyaaradaha Puntland kaasi oo ay dib u eegis ku sameeyeen.

Talaabaddan ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo madaarada diyaaradaha maamulkan ay ka bilowdeen duulimaadyo caalami ah oo daafaha dunida isku xiraya.

Shirkadda duulimaadka waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya, Ethiopian Airlines, ayaa noqotay diyaaradii ugu horeysay, iyadda oo la rajeynayo shirkado kale.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADA FAARAX

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM