Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyey miisaaniyada 2022

Image
Image
Image
Miisaaniyadda oo dhan $354,093,039 ayaa ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo mid ka baxsan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Jibriil waxaa wehliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka sanadka 2022.

Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Xassan Shire Cabdi ayaa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Wakiillada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyadda 2022.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11%  marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM