Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyey miisaaniyada 2022

Image
Image
Image
Miisaaniyadda oo dhan $354,093,039 ayaa ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo mid ka baxsan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Jibriil waxaa wehliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka sanadka 2022.

Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Xassan Shire Cabdi ayaa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Wakiillada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyadda 2022.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11%  marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo ku shiray Boosaaso

Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu door muhiim ah ka qaato hawgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee duulanka qaawan ku soo qaaday Puntland.

  • Puntland

    19-02-2025

  • 12:51PM

Ciidamada Puntland oo Xabsi U Taxaabay Muhaajiriin Itoobiyaan ah

Puntland ayaa ah meel muhiim ah oo muhaajiriinta Itoobiya uga gudbaan dalalka Khaliijka ama meelo kale oo Soomaaliya ah.

  • Puntland

    19-02-2025

  • 09:04AM