Baarlamaanka Puntland oo qaadacay ku darsiga Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland, oo uu la yeeshay is-xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaarey xarunta golaha wakiiladda dowladda Puntland. Maadaama fadhigu yahay mid xiran oo dhinacyadda ku tashanayaan, howlwadeenada iyo saxaafadda waxaa la waydiistay in dibad-joog ka noqdaan kulanka.

Markii wadatashiyadu soo idlaadeen, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland cod u qaadey muddo kordhinta "aan sharciga aheyn" ee ay sameysteen Golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday.

Fadhiga maanta oo ay xaadireen 52 Xildhibaan ayaa waxaa u coddeyay Ogol 49 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 2 Mudane, sidda laga soo xigtay qoraal lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee Baarlamaanka Puntland.

"Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka duulaya Qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo Qodobka 64aad farqadiisa 6aad ee Dastuurka DPL waxay si adag uga horyimaadeen, qaraarna ka qaateen muddo kororsiga sharci darada ah ee ay sameeysteen Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay tilmaameen in uu ka horimanayo Dastuurka DFS qodobadiisa 4aad, 60aad, 71aad iyo 91aad," ayaa lagu yiri qoraalka.

Shir-guddoonka fadhiga ayaa wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Abwaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsama.

Xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo wadahadalo ku dhowaad muddo bil ah u joogtay caasimadda Muqdisho ayaa la filayaa in wadatashiyo badan kadib ay soo saari doonto mowqifkeeda ku wajahan mar-xalada halista ah ee waddanka marayo haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM