Baarlamaanka Puntland oo su'aallo waydiiyey laba wasiir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa qayb ka ahaa fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ee golaha wakiiladda.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane,  Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dimoqraadiyadda isagoo Guddigu wax ka waydiiyey arrimo la xiriira dhismayaasha gollayaasha deegaanka, cabashada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Bajaajka, lacagaha laga qaado dhulka ee loo qoondeeyo danta guud iyo hanaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Puntland.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, guddigu waxay wasiirka kula dardaarmeen in la xoojiyo hanaanka maamul-daadejinta iyo gaarsiinta adeegyada degmooyinka. 

Dhinaca kale, fadhiga maanta waxaa Guddiga joogtada ah hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, isagoo guddiga joogtada ah la wadaagay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Puntland.

Intaas kadib, waxay Guddigu Wasiirka wax ka wadeydiiyeen amniga dalka, habdhaqanka ciidanka iyo cabashadii laga qabey lacagaha lagu qaado Xafiiska baarista denbiyadda (CID).

Ugu dambeyn, dood dheer uu guddiga joogtada ahi ka yeeshay arrimaha kor ku xusan ayaa waxay sidoo kale warbixin ka dhageysteen Guddi gaar ah oo loo xil-saaray soo gudbinta warbixin la xiriirta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM