Bangiyada Garowe oo joojiyay maalgelintii

Image

Garowe-Bangiyada ku yaala magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland ayaa gebi ahaanba joojiyay maalgelintii ay siin jiray shakhsiyaadka mudooyinkii u danbeeyay .

Dadweynaha ayaa la wadaagay Garowe Online in Bangiyadu ugu yaraan sadexdii bil ee u danbaysay ay ka fiirsanayeen bixinta deymaha haatanna ay gebi ahaanba hakiyeen.

Tilaabada ayaa imaanaysa iyada madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga ah ee Puntland ay harsan yihiin wax ka yar 50 cisho, Siciid Deni uu doonayo in uu kursiga xoog ku joogo isla markaana uu ciidamo ku daabulayo caasimadii Amniga caanka ku ahayd ee Garowe.

Isimada SSC-Khaatumo iyo Ururka haweenka oo gaaray Garowe ayaa durba dadaalo Xal-doon ah ka dhex bilaabay Deni iyo Murashaxiinta iyaga oo ku dadaalaya in la isku Af-garto xal nabadeed.

Hubanti la'aanta Dastuuriga ah ee Puntland ayaa imaanaysa iyada oo Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland ay ka digayeen bilooyinkii lasoo dhaafay si aanay tan u dhicin.

Garowe Online ayaa ogaatay in madaxweyne Deni ay guddiga sare ka dalbadeen in uu is-casilo xiligii uu Maareeyaha ka ahaa shirkada Towfiiq iyada oo sidoo kale markii uu wasiirka Qorsheynta dowlada federaalka ahaa uusan isagu xilka wareejin.

Dhaqaalaha Puntland ayaa saamayntiisa laga dareemi doonaa dib u gurashada Bangiyada iyada oo dhawaan ay ahayd markii ay Garowe isaga bixiyeen shaqaalihii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobay iyo kuwii Ururada ee ka taageeri jiray Puntland Arimaha Bini'aadannimada iyo Horumarinta.

Garowe Online

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM