​Bannaan-bax ka dhacay Garowe [Daawo+Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa hadda kasocda magaalada Garowe bannaan-bax ay dhigayaan qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan caasumadda Puntland kuwaasoo u badan dumar iyo dhalinyaro kasoo horjeeda dhaq-dhaqaaqyada Somaliland kawado gobollada Sanaag, Sool iyo Haylaan.

Dibax-baxan oo ahaa mid aan horay loo sii qorshayn ayaa daqiiqado ka hor ka bilowday magaalada, waxaana waddooyinka halbowlaha ah ee dhexmarta Garowe socod ku marayay dadweyne ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland kuwaasoo kusoo labistay calamada Somalia iyo Puntland.

Dadka qaybtiis oo ku sugnaa barxadda Garowe, ayaa watay boorar lagu qoray Ereyo ay kamid ahaayeen "Dhul ballaarsiga aad waddaan aqoonsi ku heli maysaan".

Wariyaha Garowe Online oo goobta tagay ayaa kuwaramay inaysan ilaa hadda goobta ku sugnay mas'uul katirsan dowladda, waloow ay tageen xarunta Barlamanka halkaasoo aysan cidna kula hadlin.

Qaar kamid ah dadka dibax-baxa dhigayay ayaa dowladda ka codsanayay inay gudato waajibaadka loo igmaday, waxayna ka dalbadeen inay ilaaliso xuduudaheeda.

Isu-soobaxan oo noqonay kii ugu horeeyay ee iminka laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyada xukuumadda Hargaysa ka wado gobolladaasi, ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan ciidamo katirsan labada dhinac dagaal ku dhexmaray deegaanka Booda-cad oo u dhow degmada Dhahar.

Majirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo arrintaasi dowladda Puntland ka qaatay marka laga reebo wasiirka Amniga oo dhawaan saxaafadda u mariyay hadal uu Somaliland uga digayay inay ka fiirsato waxyaabaha ay ka wado dhulka Puntland.

Balse, dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa kasocda goobihii lagu diriray.

Dhinaca kale maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadaalo ugu jirta qaabkii ay ku kasban lahayd kalsoonida shacabka ku dhaqan gobolladaasi, waxaana wasiirro katirsan xukuumaddaasi shirar la qaateen odoyaasha dhaqanka iyagoo usoo bandhigay dalabyo ay ka mid ahaayeen inay kamid noqdaan. HALKAN KA AKHRISO

Madaxweyne Gaas ayaa xilligii uu ololaha doorashada ku jiray, wuxuu ballanqaaday inuu gacanta dowladda kusoo celin doono deegaanada maqan, balse wixii ka dambeeyay doorashadiisa, waxaa gaabis noqday muhiimadda dowladdu siisay gobollada muranku ka taaganyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM

Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:27AM