Barlamaanka Puntland oo Ansixiyay guddi Doorasho oo Hal dhinac ah

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha wakiilada ee dowlada Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha Gudidiga Doorashooyinka Puntland ee"PEC" oo hal dhinac ah.

Xubintii uu soo magacaabay urur siyaasadeedka SINCAD oo ahaa, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan duqii hore ee Boosaaso ayaa waxaa diiday gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland iyada oo ilo Garowe Online la hadlay ay u sheegeen in uu ku tilmaamay " in uu hal sano ka yaryahay da'dii uu xubin guddiga uga noqon lahaa".

Gudoomiyaha ururka SINCAD, Maxamuud Khaliif Jebiye oo ah ganacsade u dhaw madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ayaa laga filayaa in uu soo magacaabo xubin u dhaw dhanka madaxtooyada sida wararku sheegayaan.

Xubnahan 10 ah oo 7 kamid ah uu soo magacaabay ururka KAAH ayaa waxaa iska diiday ururada siyaasadda ee Mideeye iyo Horseed.

Dhawaan dood cilmiyeed lagu qabtay magaalada Garowe, wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Puntland, Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle"Habarwaa" oo kamid ah saraakiisha ururka Mideeye ayaa arintaasi afka ku balaariyay.

" 7 xubnood oo KAAH soo magacaabay anagu aqbali mayno waxaasna cid ka yeelaysaa ma jirto".

Sidoo kale xubnaha la Ansixiyay ayaa waxaa kujirta xubinta ururka shaqaalaha oo khilaaf xoogan ka taagan yahay iyaga oo ururkaasi oo warbaahinta Garowe kula hadlay ay eedeyn usoo jeediyeen gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni oo ku maqan safar aanay ku wehlin masuuliyiinta xukuumadiisu ayaa looga digay isku dayga muddo kororsi sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM