Barlamaanka Puntland oo Ansixiyay guddi Doorasho oo Hal dhinac ah

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha wakiilada ee dowlada Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha Gudidiga Doorashooyinka Puntland ee"PEC" oo hal dhinac ah.

Xubintii uu soo magacaabay urur siyaasadeedka SINCAD oo ahaa, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan duqii hore ee Boosaaso ayaa waxaa diiday gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland iyada oo ilo Garowe Online la hadlay ay u sheegeen in uu ku tilmaamay " in uu hal sano ka yaryahay da'dii uu xubin guddiga uga noqon lahaa".

Gudoomiyaha ururka SINCAD, Maxamuud Khaliif Jebiye oo ah ganacsade u dhaw madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ayaa laga filayaa in uu soo magacaabo xubin u dhaw dhanka madaxtooyada sida wararku sheegayaan.

Xubnahan 10 ah oo 7 kamid ah uu soo magacaabay ururka KAAH ayaa waxaa iska diiday ururada siyaasadda ee Mideeye iyo Horseed.

Dhawaan dood cilmiyeed lagu qabtay magaalada Garowe, wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Puntland, Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle"Habarwaa" oo kamid ah saraakiisha ururka Mideeye ayaa arintaasi afka ku balaariyay.

" 7 xubnood oo KAAH soo magacaabay anagu aqbali mayno waxaasna cid ka yeelaysaa ma jirto".

Sidoo kale xubnaha la Ansixiyay ayaa waxaa kujirta xubinta ururka shaqaalaha oo khilaaf xoogan ka taagan yahay iyaga oo ururkaasi oo warbaahinta Garowe kula hadlay ay eedeyn usoo jeediyeen gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni oo ku maqan safar aanay ku wehlin masuuliyiinta xukuumadiisu ayaa looga digay isku dayga muddo kororsi sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM