Barlamanka Puntland oo dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta aqalka sare Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa xarunta Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe kasocda munaasabad ay khudbado kusoo jeedinayaan murashaxiinta u taagan xubnaha Aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Xafladda waxaa jooga 22 murashax kuwaasoo soo bandhigi doonaa taariikhdooda iyo wax ay qaban doonaan.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, labadiisa ku xigeen, guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland, wasiirro katirsan xukuumadda, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugan kulankaas.

Kulankan ayaa maanta ku koobnaan doona khudbado kaliya, halka doorashadu bilaaban doonto maalinta Berri ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqan goobta kulankaan ka socdo isagoo safar aan horey loo shaacin ugu ambabaxey dalka dibadiisa.

Safarka madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka Puntland ku jiraan xaalad xasaasi ah tasoo ah mid siyaasadeed iyo mid amni tasoo ay sababeen arimaha ka jira Galkacayo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM