Barlamanka Puntland oo diidey in AMSOM la keeno deganakooda

Image

17 August, 2015 (GO)- Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Gaas uu dhowaan aqabaley in hay'adaha Qaramada modeebey gaar ahaan kuwa dagan magaalo madaxda Puntland ee Garowe keensadaan ilaalo ka socota ciidamada AMISOM ayaa waxaa soo baxey diidmo ka imaaneysa xildhibaanada goloha Barlamanka.

Kulamo xubno ka tirsan golaha barlamanka Puntland iyo madaxweyne ku-xigeenka Camey la qaateen madaxweyne Gaas inta uusan u ambabixin magaalada Galagalacayo ayaa waxay ku dhamadeen guuldaro.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaan ku sheegey in hay'adaha Qaramada midoobey ee dagan magaalooyinka waaweyn ee Puntland u ogolaadey iney keensadaan ilaalo ciidamo ka socda AMSIOM xarumahooda taasoo meesha ka saareysa go'aankii ahaa in degaanada Puntland la keenin ciidamo shisheeye.

Madaama xildhibanaada Barlamanka Puntland fasax ku jiraan waxaa maanta fariistey guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada kuwasoo diidey in Puntland la keeno karin gabi ahaanba ciidamo ilaalo ah ee ka socda AMSIOM iyo wadamo kale ee shisheeye.

Xubin ka tirsan guddiga joogtada ah ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijisay go'aankaas guddiga joogtada ah gaareen.

"Hadii la keeno ciidamo gaaraya 20 iyo 1000 waa isku mid taasi waxay macnaheedu tahay in AMISOM la keeno Puntland" sidaas waxaa GO u sheegey xubintaan ka tirsan guddiga joogtada ah oo diidey in magaciisa la xuso.

Dadweynaha Puntland ayaa aad uga soo horjeeda in degaaadooda la keeno ciidamo ka socda AMISOM iyaga oo aaminsan in goobaha ay joogaan amni xumo iyo xadgudub dhinaca bini'aadnimada ah ka gaystaan.

Talaabada codsiga ayaa imaaneysa kadib markii beesha caalamka saluug ka muujiyeen siyaasada amni sugid ee xukuumada waqtigaan ka arrimisa Puntland.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka dhacey qarax lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNICEF halka sadex howlwadeen oo kamid ah hay'ada UNODC lagu diley magaalada Galgakacayo kuwasoo dhamaantood dowlada warbixin iyo baaris rasmi ah kaso saarin.

Xarumaha magaalda Garowe ka dagan yihiin QM ayaa waxaad ku arkeysaa gawaari tekniko ah iyo ciidamo hortaagan taasoo dadka ku xeel dheer amniga rumeysan yihiin iney ka markhaati kaceyso in xukuumada kalsooni ku qabin amniga guud ee magaalooyinka Puntland.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo dhowaan siiyey wareysi Reuters ayaa sheegey in maamulkisa u baahneyn ciidamo ka socda AMISOM oo la keeno balse u baahan yihiin in tageero dhinaca tababarka iyo qalabka la siiyo ciidamdiisa. Halkan ka akhri wareysiga

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM