Beesha Caalamka oo Deni u gudbisay qodob ay ka walwalsan yihiin

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa maanta Madaxtooyadda Garowe wuxuu kula kulmay diblumaasiyiintan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni oo Madaxtooyadda Garowe kulan kula yeeshay wakiiladda Beesha Caalamka ayaa kala hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Degaanka ee lagu muransan yahay.

Daneeyeyaasha siyaasadda oo ay ku jiraan Ururadda Siyaasadda ayaa walaac ka muujiyey in madaxweynuhu uu haatan hortabin u siinayo barnaamijkan si uu xukunka usii dheereysto.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in safiiradda ay walwal ka muujiyeen in uu ahmiyadda koowaad ka dhiganayo barnaamijkan xilli uu sii dhamaanayo muddo xileedkiisa.

"Danjireyaasha waxay u sheegeen madaxweynaha in ay ka walaacsan yihiin isku soo beeganka dhamaadka xilheyntiisa iyo damaciisa ayna taas horseedi karto muddo kororsi iyo xiisad siyaasadeed," ayuu yiri qof ka qeybgalay shirka.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo jidadka soo gala madaxtooyadda waxaa lagu dhoobay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka taasoo caqabad ku noqotey isu-socodka gaadiidka.

Dhanka kale,Ciidamadda ammaanka Boosaaso ayaa rasaas nool-nool u adeegsadey dad shacab ah oo banaanbax kaga hortagay guddi dowladda u dirtey in ay soo qiimeeyaan seejooyinka doorashada.

Mudaaharaadka Boosaaso ayaa kusoo beegmay xilli Puntland ay wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah oo is-dabamarin ay horey u hareeyeen coddeyntii horudhaca ahayd.

Geesta kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka degaanka Taleex iyo Boocame ee gobolka Sool ay hor-istaageen xubno ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Xubnahan ayaa waxay degmooyinkaas u tageen howlo la xiriira qiimeynta seejooyinka doorashada goleyaasha degaanka ee lagu muransan yahay. Howlwadeenada TPEC ayaa ku soo laabtey magaalo madaxda Garowe oo ay kalkii hore ka baxeen.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa wafuud ay kala hogaaminayaan Wasiirka Horumarinta Reer-miyiga iyo Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Horumarinta Qoyska waxay u kala dirtey Dhahar iyo Baran.

Talaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Puntland ay magaalooyinkan u asteysay goobaha in ay ka qabsoomeyso doorashooyinka lagu muransan yahay ee goleyaasha degaanka.

Warar ayaa sheegaya in kooxo ay Puntland u dirtey magaalooyinka si ay uga soo sameeyaan xog-uruurin ay la kulmeen caqabado ay kamid yihiin diidmo xooggan iyo is-hortaag.

Inta la og-yahay taariikhda, waa markii ugu horeysay oo ay mas'uuliyiin ka socota maamulka Somaliland ah ay tagaan magaalooyinkan in ka badan saddexdii sano ugu dambeysay ee uu xukunka hayay madaxwayne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM