Beesha Caalamka oo kaalin ka qaadeysa Dimoqraadiyeynta Puntland

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa magaaladda Nairobi, xarunta dalka Kenya, kula kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda uu wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad la shiray ayaa ka kala socday; Midowga Yurub, UK, Norway, Sweden, Switzerland, Denmark, SSF iyo Qaramada Midoobay.

Xubnahan oo aad u daneeya arrimaha Soomaaliya ayuu wasiirku kala xaajoodey sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo taageerada saaxiibada aduunka ay siiyaan dowladda Puntland.

Waxaa kaloo wasiirka iyo Madaxda Deeq-bixiyaashu si qoto dheer uga wada hadleen hirgalinta geeddi socodka barnaamijka Dimoqraadiyeynta Puntland iyo sare u qaadida maamul wanaagga.

"Deeq bixiyaashu waxay soo dhaweeyeen tilaabooyinka dhaxal galka ah ee Dowladda Puntland u qaaday hirgalinta dimoqraadiyadda, waxayna balan-qaadeen inay garab istaagayaan hirgalinta barnaamijka," ayuu yiri Dhabancad.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku martay in ay Puntland ka saareyso nidaamka hab-qabsiga, kaasi oo uu maamulkan kusoo dhaqmayey 21-sano oo uu dhisan yahay.

Mid kamid ah talaabooyinka aadka loo ammaanay ee ku aadan hirgelinta nidaamka xisbiyadda ee illaa iyo haatan xukuumada qaadey ayaa ah sida degdeg ah ee loosoo magacaabay guddiga doorashada.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa mid kamid ah waajibaadkooda waxa uu yahay daadejinta maamulka iyo sidii doorasho qof iyo cod ah ay u qabsoomi lahayd.

Puntland, "hooyadda iyo aabaha" federaalka ka hanaqaadey Soomaaliya, ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee la aas-aasay, isla markaana looga daysaday hab-dhismeedkiisa dowlad goboleedyada dib laga sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM