Beesha Caalamka oo soo dhaweysay natiijada doorashada Puntland

Image
Saaxiibada Caalamka ayaa waxa ay balanqaadeen in ay sii wadayaan taageerada maamulkan.

GAROWE, Puntland - Beesha Caalamka ayaa waxa ay soo dhaweysay gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024 taasoo lagu soo xulay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in ay ku bogaadinayaan "shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen".

"Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah," ayay raaciyeen.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM