Booliska Bari oo beeniyay warar laga faafiyey Boosaaso

Image
Shaqsiyaadka faafiyey warbixinadaas ayuu uga digay in ay ka waantoobaan "been abuurka".

BOOSAASO, Puntland - Dowladda Puntland ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka ku saabsan in haweenay ay isku dayday in ay caruur ka qafaalato magaaladda Bari ee xarunta gobolka Bari.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolka Bari ayaa lagu caddeeyay in ay la kulmeen caruurta la sheegay in la qafaashay iyo waalidkooda una caddeeyeen in ay dhibaato jirin.

Sida laga soo xigtey qoraalkan talisku soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, shaqsiyaadka faafiyey warbixinadaas "waa in ay bixiyaan raaligelin kana waantoobaan been abuurka".

"Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari wuxuu bulshada ku nool magaaladda Boosaaso u sheegayaa in aysan jirin caruur ay hawaynay isku dayday in ay Afduubto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Taliska Qeybta Booliska Gobalka bari wuxuu la kulmay caruurta iyo waalidkii dhalay oo ku sugan xaafada Buurcad oo aysan jirin wax dhibaato ay la kulmeyn caruurta".

"Ugu danbayntii, taliska Qeybta Booliska gobalka Bari wuxuu digniin u dirayaa shaqsiyaadka Baraha Bulshada kusoo qoray warkan been abuurka ah, iyaga ayaa caddayn laga rabaa ama waa in ay raali gelin ka bixiyaan qoraalda been abuurka ah oo ay bulshada la wadaageen kuna khalkhal galinayan bulshada," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Boosaaso ayaa isku diyaarinaysa in ay martigeliso doorashadda golaha shacabka gaar ahaan xubnaha Puntland ku meteli doona baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya afarta sano ee soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM