Booliska Bari oo beeniyay warar laga faafiyey Boosaaso

Image
Shaqsiyaadka faafiyey warbixinadaas ayuu uga digay in ay ka waantoobaan "been abuurka".

BOOSAASO, Puntland - Dowladda Puntland ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka ku saabsan in haweenay ay isku dayday in ay caruur ka qafaalato magaaladda Bari ee xarunta gobolka Bari.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolka Bari ayaa lagu caddeeyay in ay la kulmeen caruurta la sheegay in la qafaashay iyo waalidkooda una caddeeyeen in ay dhibaato jirin.

Sida laga soo xigtey qoraalkan talisku soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, shaqsiyaadka faafiyey warbixinadaas "waa in ay bixiyaan raaligelin kana waantoobaan been abuurka".

"Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari wuxuu bulshada ku nool magaaladda Boosaaso u sheegayaa in aysan jirin caruur ay hawaynay isku dayday in ay Afduubto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Taliska Qeybta Booliska Gobalka bari wuxuu la kulmay caruurta iyo waalidkii dhalay oo ku sugan xaafada Buurcad oo aysan jirin wax dhibaato ay la kulmeyn caruurta".

"Ugu danbayntii, taliska Qeybta Booliska gobalka Bari wuxuu digniin u dirayaa shaqsiyaadka Baraha Bulshada kusoo qoray warkan been abuurka ah, iyaga ayaa caddayn laga rabaa ama waa in ay raali gelin ka bixiyaan qoraalda been abuurka ah oo ay bulshada la wadaageen kuna khalkhal galinayan bulshada," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Boosaaso ayaa isku diyaarinaysa in ay martigeliso doorashadda golaha shacabka gaar ahaan xubnaha Puntland ku meteli doona baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya afarta sano ee soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM