Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Image
Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

GAROWE, Puntland - Booliska Puntland ayaa xalay Kulan toosa ah waxay la qateen Shacabka Caasimada Garoowe. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta cilmi baarista iyo hormarinta Puntland PDRC.

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

Booliska Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siinaya doorka iyo kaalinta bulshadda Puntland kuleeyihiin la shaqaynta laamaha amniga dowlada Puntland si loo xaqiijiyo Hormarka iyo wadajirka umadda reer Puntland.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa laysku waydaarsaday xogo iyo talooyin muhiim u ah iskaashaga iyo wadshaqaynta booliska iyo bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM