Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Image
Image
Image
Image
Image
Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mohamed Abdirahman Mohamad, Wasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed (Ayub Sheikh iyo Agaasimaha guud shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa kulan la yeeshay taliye ku xigeenka booliska Caydiid Axmed Nuur iyo saraakiil boolis.

Intii uu kulanku socday waxa looga hadlay arimo ay kamid yihiin, Xoojinta wadashaqaynta iyo isku xirnaanta Wasaaradda iyo Booliska.

Sidoo kale, Joojinta xaalufinta deegaanka sida dhuxusha, xaabada xad dhaafka ah iyo dabargoynta duurjoogta, In talaabo laga qaado dadka sida sharci darrada ah u xirmaysta dhulka ayaa looga doodey kulanka.

Ugu dambeyn waxaa laysla qaatay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka , wasaaradduna ku tababarto Booliska siyaasadaha iyo sharciyada ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta iyo In Wasaaraddu gacan ka gaysato howlgalada ilaalinta deegaanka ee Boolisku qabanayo lana sameeyo laan ka mid ah oo u xil saaran ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Dirir Oo Ku Eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay wadashaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha cusub ee Wasiirka warfaafinta Puntland.

  • Puntland

    25-11-2025

  • 12:52PM

Soomaaliya: Duqeymo Cusub oo Laga fuliyay Buuraha Cal-Miskaad, Puntland

Wararka rasmiga ah ayaa xaqiijinaya in duqeymaha cirka oo ay fuliyeen US Africa Command (AFRICOM) ay beegsadeen kooxdan ISIS ah.

  • Puntland

    23-11-2025

  • 05:09AM