Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Image
Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mohamed Abdirahman Mohamad, Wasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed (Ayub Sheikh iyo Agaasimaha guud shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa kulan la yeeshay taliye ku xigeenka booliska Caydiid Axmed Nuur iyo saraakiil boolis.

Intii uu kulanku socday waxa looga hadlay arimo ay kamid yihiin, Xoojinta wadashaqaynta iyo isku xirnaanta Wasaaradda iyo Booliska.

Sidoo kale, Joojinta xaalufinta deegaanka sida dhuxusha, xaabada xad dhaafka ah iyo dabargoynta duurjoogta, In talaabo laga qaado dadka sida sharci darrada ah u xirmaysta dhulka ayaa looga doodey kulanka.

Ugu dambeyn waxaa laysla qaatay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka , wasaaradduna ku tababarto Booliska siyaasadaha iyo sharciyada ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta iyo In Wasaaraddu gacan ka gaysato howlgalada ilaalinta deegaanka ee Boolisku qabanayo lana sameeyo laan ka mid ah oo u xil saaran ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM