Booliska Puntland oo qabtey "dad qalab u waday kooxaha argagixisada"

Image
Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa xusay in eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doono Laamaha Garsoorka.

GAROWE, Puntland - Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay'adaha amniga la socdeen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah, 

1. Faisa Cali Maxamed

2. Cabdi Axmed Cusmaan.

3. Haaddi Cumar Cilmi

4. Cabdi Maxamuud Cali

5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka ay leeyihiin  Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

1.  Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.

2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) - Laboratory 

3. Biisooyin Kaashwito

4.  Kabo balistig ah.

5. Envactar  kuwa solar loo  isticmalo. ( Inverter solar energy system)

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Lanta barista CID gobolka Nugaal ayaa horay u sii haysay  xogta ah inay kusoo fool ledahay gobolka dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen  ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

"Booliska ayaa  fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM