Boosaaso oo laga sameeyay howlgal ka dhan ah kooxda Daacish

Image
Gulufkan ayaa lagu baadi-goobaya xubnaha ISIL-Somalia u qaabilsan handadaada ganacsatada.

BOOSAASO, Puntland - Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin ISIL-Somalia.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee Khawaarijta, waxaana ku socda baaritaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM