Boosaaso oo u diyaar-garoobaysa doorashada Aqalka Hoose

Image
Image
Image
Image
Kulan looga hadlayo ammaanka coddeyntan ayaa maanta ka qabsoomay magaaladda Boosaaso.

BOOSAASO, Jubaland - Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa manta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari.

Qoraal kaso baxay taliska ayaa caddeeyay in is-aragan diirada lagu saaray sare u qaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas.

Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari Uga Mahadceliyay Kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamadaan waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwaba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM