Boosaaso: Xarumo ganacsi oo loo xiray "baad" ay soo rogtey ISIL

Image
Dowladda Puntland ayaa weli wax war ah ka soo saarin xaaladda ka taagan xarunta gobolka Bari.

GAROWE, Puntland - Warar warsidaha Garowe Online ka helay illo lagu kalsoon-yahay ayaa sheegeya shirkada Al-Macruuuf oo dhowaan kooxo argagixiso ah ka gubeen goob laga dukaameysto ay ku lahaayeen magaaladda Boosaaso ay xireen dhamaan gobohoodii ganacsiga ay ku lahaayeen xarunta ganacsigga Puntland.

Fahfaahinta oo ay GO u xaqijiyeen saraakiil ammaan ayaa waxay intaas ku daraysaa in kooxada argagixisadda ah ay waydiisteen shirkadan aduun lacageed gaaraya $500,000.

Dhinaca kale, magaalada Boosaaso ayaa waxaa la soo gudboonaatey cabsi balaaran ee ku aadan baqdin galinta kooxaha argagixisada ah kuwaas oo bilaabey si dardar galin ah lacago uga baad ah uga urursadaan xarumaha ganacsiga magaalo xebeedka Boosaaso.

Dowladda Puntland ayaa weli wax war ah ka soo saarin xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso iyadoo ganacsato badan waqtigaan ka soo qaxeen xarunta gobolka Bari.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka maqan Puntland muddo bil ah ayaa golihiisa xukuumadda ku mashquulsan yihiin doorashooyin golaha degaanka ee lagu muransan yahay.

Deni oo dhowrkii todobaad lasoo dhaafay isaga kala gooshay Boosaaso, Nairobi iyo Imaaraadka ayaa raadinaya muddo kororsi maadaama muddo xileedkiisa ay uga la dhiman tahay 8 bilood.

Hay'adaha amniga Puntland iyo shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa mushahar qaadan muddo kor u dhaafeysa 5 bilood. Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhanka kale waxay dagaalo qaraar ku dhexmareen qaybo kamid ah gobolka Bari ka gadaal markii ay isku-qabteen maamulka degaanka iyo waliba dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM