Boosaaso: Xarumo ganacsi oo u xirmay hanjabaad uga timid Daacish

Image
Dhowaan ayay aheyd markii Bam gacmeed lagu tuurey dukaanka qalabka gadiidka iibiiya ee Mareero Spare Parts.

BOOSAASO, Puntland - Magaalada Boosaaso ayaa warar lagu kalsoon yahay waxay daaha-ka qaadayaan in shirkado badan oo ganacsi ay albaabada laabeen kadib markii hanjbaad kaga timid kooxda aragixisada ah ee ISIS ama loo garan-og-yahay Daacishta Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay qaar ka tirsan ganacsatada ayay u sheegeen in kooxahaan taleefano kula soo hadlayaan milkiilayaasha ganacsatada ah kadib-na ugu hanjabayaan iney gubayaan xarumahooda ganacsiga hadii aysan bixin lacagaha baadda ah ee lagu soo qorey.

Dhowaan ayay aheyd markii Bam gacmeed lagu tuurey dukaanka qalabka gadiidka iibiiya ee lagu magacaabo “Mareero Spare Parts" wallow aan lasoo warin wax khasaaro baaxad leh.

Dhinaca kale, waxaa dib loo furey Isbitaalka National ee ku yaal magaalada Boosaso kaas oo muddo Asbuuc ah xirnaa taas oo saameyn ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay tibaaxayaan in xaruntaas caafimaadka la xirey kadib markii ay diideen iney bixiyaan lacago baad ah oo kooxda argagixsada ah ee ISIS dul-dhigtey.

Isbitaalka ayaa qoraal uu soo saarey waxa uu ku sheegey inuu dib u bilaabey shaqadii uu dadweynaha u hayey isaga oo aanan bixin wax fahfaahin dheeraad ah.

"Waxaan leeyahay goob-ganacsi oo timaha lagu jaro, kooxdaan ayaa dhowaan ila soo hadashay, waxay igu yirahadeen bil walba bixi 300 USD. Waxaan u sheegey in aan awoodi karin ugu dambeyn waxaan kula heshiiyey 150 dollar bil walba," sidaan waxaa u sheegey ganacsade iska leh goob timaha lagu jaro oo la hadlay GO.

Xukuumada Puntland ee muddo xileedkeeda uu dhamaadka yahay ayaan weli wax war ah waxa aysan kasoo saarin dhibaatada amni darro ee ka taagan magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Dani oo ku sugan magaalo madaxda Puntland ayaa ciidamada amniga iyo saraakishiisa u weeciyey iney ka shaqeeyaan arimaha siyaasada isagoo magaalada Garowe soo dhoobey gawaarida dagaalka, kuwaas oo ilaalo ka ah xarunta Barlamanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM