Bosaso: buundada Labo-wanley oo dayactir lagu sameeyey

Image
Image
Image

April 26, 2015 (GO)- Buundada Labo-wanley oo qiyaastii 40km magaalada Bosaso waqooyiga kaga beegan ayaa shalay xarigga laga jaray, kadib dayactir ballaaran oo lagu sameeyey.

Buundadan oo ay horay u burburiyeen roobabkii Deyrtu waxaa dhistey hay'adda waddooyinka Puntland, waxaana ku baxay dhaqaale gaaraya boqol kun oo doolar.

Munaasabadii buundada xarigga looga jarayey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tiran oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Gallan, Duqa Boosaaso Xaasn Cabdallah Xasan iyo ku-xigeenka agaasimaha hay'adda waddooyinka Puntland Maxamuud Cali Guray.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland Maxamuud Cali Guray oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha buundada Labo-wanley uu qayb ka yahay hawlaha muhiimka ah ee Hay’ada PHA u hayso umada reer Puntland.

"mashruucan ballaaran waxaan shaqadiisa bilownay bilowgii bishii December, iyadoo halkan ay burburiyeen daadadku...waqtigaas ayaan bilownay mashruucan ay noo gebagabaysay shirkadda Al-Baashi" ayuu yiri.

Gurey  ayaa dhanka kale sheegay in Hay’adda Waddooyinka Puntland ay ku shaqo leedahay wixii ka baxsan Kaantaroolada Magaalooyinka,hasa yeeshe loo baahan yahay wixii gudaha magaalooyinka ah inay xil iska saaraan Maamulada degmooyinku.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ku boorriyey hay'adda jidadka Puntland inay dayactirto buundoyinka kale ee u baahan dhismaha.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa isna si wayn usoo dhoweeyay dayartirka lagu sameeyey buundada isagoo si weyn ugu mahad celiyey Hay’adda Waddooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM