Bosaso: maamulka gobolka Bari oo kormeeray saldhigyada booliska

Image
Image
Image

June 10, 2015 (GO)- Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka cusub ee gobolka Bari ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey saldhigyada booliska ee degmada Bosaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Wacays (Dhedo) iyo duqa Bosaso Maxamed Siciid Shabeel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada kormeerkani ahayd si loogu kuurgalo xaaladda ciidamada ka hawlgala saldhigyada booliska iyo weliba xaaladda nololeed ee maxaabiista.

Dhedo iyo Shabeel oo todobaad kahor xilka la wareegey ayaa ballan qaadey waxqababad ballaaran iyagoo sheegay inay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii ugu horreysey ee mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari ay kormeer ku tagaan qaar kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM