Burcad-Badeed Dooni ku afduubatay Xeebaha Eyl

Image

Eyl-Dooni Kaluumaysi oo lagu magacaabo, Al-Micraaj 1 ayaa lagu Afduubtay xeebaha degmada Eyl ee Garowe Nugaal iyada oo Doontaasi la qabsaday 17 bishaan.

Bashiir Siciid Cismaan oo kamid ah Mulkiilayaasha Doonta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox Burcad-Badeed ah ay doonta haystaan isla markaana Badda lala sii aaday oo Maraakiib lagu doontay.

''Koox Burcad-Badeed ah ayaa haysata markii aanu la hadalnay waxa ay naga dalbadeen kharash gaaraya 400 kun oo dollar''.

Shaqaalaha doonidaan Kaluumaysi saaran ayaa 15 iyaga oo dhamaantood u dhashay wadanka Iiraan. Siciid ayaa ku eedeeyay dowladda in ay gabtay masuuliyadii ilaalinta hantida muwaadiniinta canshuur bixiyayaasha.

''Dowladu way gabtay masuuliyadaas iyadaana lahayd. todobaad kahor ayaa doonida laga qaaday canshuurti''.

Amaanka Puntland ayaa gebi ka laad-laaday tan iyo intii madaxweynaha xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay sii dhamaanayso, Siciid Deni looga soo adkaaday Doorashadii Muqdisho isaga oo u jeestay hirgelinta ku darsiga mudadiisa maamul ee Puntland.

Ganacstada Puntland oo la liicayay culeyska kaga imaanaya kooxaha Argagixiso ee Daacish iyo Shabaab ayaa haatan u muuqda in dhibaato kale ay lasoo daristay.

 

GaroweOnline.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM