Cabdifaarax Saciid Juxa: Wasiir Puntland ah mise YouTuber?

Image
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa loo magacaabay September 23, 2022.

GAROWE, Puntland – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa loo magacaabay September 23, 2022. Hase ahaatee, Cabdifaarax Saciid Juxa, ayaa u muuqda in mas'uuliyadaas uu dhinac iska dhigay.

Juxa oo kahor wasiirnimada ahaa wariye iyo howlwadeenada xarunta PDRC ayaa ugu yaraan gudashada waajibaadkiisa ka horumariyey sidii dagalkiisa Facebook-giisa ugu duubi lahaa muuqaalo aan wax ku kordhineyn shaqada laga sugayo.

Baraha uu ku leeyahay internet-ka oo uu sameystay intii uu kamid ahaa PDRC ayaa si joogto ah loosoo dhigaa fariimo lagu ammaanayo jabhadihii qeybta ka ahaa burburka Soomaaliya xilli laga shaqeynayo sidii loo ciribtiri lahaa raadkooda.

Qadiyadda Laascaanood

Dadka qaar ayaa rumeysan in wasiirka uu xoojiyey faafinta fariimahaas kadib markii uu xilka qabtey ayna taas muujineyso inuu la dhacsan yahay fekerkaas. Muuqaalada qaar waxaa loogu gefayaa bulshooyin ama qeyb kamid ah bini’aadamka.

Mawduuca ugu weyn ee qiyaastii dhowrkii bilood lasoo dhaafay haystay warbaahinta ayaa ahaa qadiyadda Laascaanood halkaasoo dadweynaha ay muujiyeen dareen ay ku diidan yihiin joogitaanka maamulka Somaliland ayna dalbeen in uu baxo.

Inkasta oo uu mowqifka dowladda Puntland uu caddeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Saciid Cabdullaahi Deni, haddana Juxa oo mas’uuliyadiisu kamid tahay ayaan xataa hal eray ka oran qadiyada gobolka Sool.

Ka cago-jiidka ururadda

Gudaha Puntland, diiwaan-gelin lagu muransan yahay ayaa laga yab-yabay magaalooyin ay Boosaaso kamid tahay. Daneeyeyaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay "mid hal dhinac ah" iyo “in uu Deni ka leeyahay dano muddo kororsi".

Juxa oo wasaaradiisu ay gadaal ka riixeyso mashruucan ayaan wali caddeyn aragtidiisa ururadda siyaasadda iyo in uu xubin ka yaay KAAH oo ah calanka xukuumadda Deni ay kaarka ku xoqaneyso hase ahaatee tartanka uusan xalaal ahayn.

Sikastaba, KAAH iyo SINCAD ayaa kaliya ka dhex-muuqdey diiwaan-gelinta lagu muransan yahay iyaddoo ururka xukuumada uu dhaqdhaqaaqa ugu badan sameeyay maadaama dhaqaalihii iyo gaadiidka dowladda uu adeegsanayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM