Cabdifaarax Saciid Juxa: Wasiir Puntland ah mise YouTuber?

Image
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa loo magacaabay September 23, 2022.

GAROWE, Puntland – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa loo magacaabay September 23, 2022. Hase ahaatee, Cabdifaarax Saciid Juxa, ayaa u muuqda in mas'uuliyadaas uu dhinac iska dhigay.

Juxa oo kahor wasiirnimada ahaa wariye iyo howlwadeenada xarunta PDRC ayaa ugu yaraan gudashada waajibaadkiisa ka horumariyey sidii dagalkiisa Facebook-giisa ugu duubi lahaa muuqaalo aan wax ku kordhineyn shaqada laga sugayo.

Baraha uu ku leeyahay internet-ka oo uu sameystay intii uu kamid ahaa PDRC ayaa si joogto ah loosoo dhigaa fariimo lagu ammaanayo jabhadihii qeybta ka ahaa burburka Soomaaliya xilli laga shaqeynayo sidii loo ciribtiri lahaa raadkooda.

Qadiyadda Laascaanood

Dadka qaar ayaa rumeysan in wasiirka uu xoojiyey faafinta fariimahaas kadib markii uu xilka qabtey ayna taas muujineyso inuu la dhacsan yahay fekerkaas. Muuqaalada qaar waxaa loogu gefayaa bulshooyin ama qeyb kamid ah bini’aadamka.

Mawduuca ugu weyn ee qiyaastii dhowrkii bilood lasoo dhaafay haystay warbaahinta ayaa ahaa qadiyadda Laascaanood halkaasoo dadweynaha ay muujiyeen dareen ay ku diidan yihiin joogitaanka maamulka Somaliland ayna dalbeen in uu baxo.

Inkasta oo uu mowqifka dowladda Puntland uu caddeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Saciid Cabdullaahi Deni, haddana Juxa oo mas’uuliyadiisu kamid tahay ayaan xataa hal eray ka oran qadiyada gobolka Sool.

Ka cago-jiidka ururadda

Gudaha Puntland, diiwaan-gelin lagu muransan yahay ayaa laga yab-yabay magaalooyin ay Boosaaso kamid tahay. Daneeyeyaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay "mid hal dhinac ah" iyo “in uu Deni ka leeyahay dano muddo kororsi".

Juxa oo wasaaradiisu ay gadaal ka riixeyso mashruucan ayaan wali caddeyn aragtidiisa ururadda siyaasadda iyo in uu xubin ka yaay KAAH oo ah calanka xukuumadda Deni ay kaarka ku xoqaneyso hase ahaatee tartanka uusan xalaal ahayn.

Sikastaba, KAAH iyo SINCAD ayaa kaliya ka dhex-muuqdey diiwaan-gelinta lagu muransan yahay iyaddoo ururka xukuumada uu dhaqdhaqaaqa ugu badan sameeyay maadaama dhaqaalihii iyo gaadiidka dowladda uu adeegsanayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM