Puntland oo fulisay mid kamida yoolashii sifeynta AlShabaab

Image

GAALKACYO, Puntland – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa si weyn u soo dhaweeyay xukunka dilka toogashadda ee Axada maanta ah lagu fuliyey 21-ka maleyshiyo ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Cabdiladiif oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook ayaa "taariikh ay ku faani doonto Gaalkacyo" ku tilmaamay xukunka dilka toogashada ee la fuliyey.

Sida laga soo xigtay guddoomiyaha, talaabadan ayaa la macno ah in maamulkiisa uu hirgeliyey mid kamid ah qorsheyaashii uga deganaa "in gobola Mudug laga sifeeyo argagixisadda".

"Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo," ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray: "Xukunkan Maxkamadeed waxaan k fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta".

"Ka maamul ahaan waxaa fulay mid kamida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Ururka Argagixisada AlShabaab guud ahaan Gobolka Mudug, intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badnayd abid ee Soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya maanta oo  dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto u noqon doonta Magaalada Gaalkacyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dowladda Puntland ayaa saaka waxay dil toogasho ku fulisay 21 maleyshiyo oo ka tirsanaa dagaalameyaasha hubeysan ee AlShabaab kuwaas oo ay xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland.

Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Xeer-beegtadda dowlada Puntland, 18 kamid ah xukumaneyaasha waxaa lagu toogtay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, 2 caasimada Garowe, halka mid kale lagu toogtay Qardho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM