Cabdiqaadir Maxamed Geeddi: Guddoomiyaha labada xil isku haya

Image
Madaxweynaha Puntland oo u xushay xilkan bishii September ayaan wali soo dhisin golaha degaanka magaala madaxda.

GAROWE, Puntland - Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud [Geeddi] oo Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani u magacaabey bishii September, 12, 2022 Gudoomiyaha degmada Garowe kadib markii la kala direy golahii degaanka ee magaalo madaxda ka shaqayenayey ayaa sida uu  fahansan yahay Garowe Online waxaa uu weli ku magacaaban yahay xilkii Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Puntland. 

Gudoomiyaha cusub oo tan iyo intii xilka loo magacaabey olole ugu jirey qorshaha doorashada golayaasha degaanka ee Madaxweyne Dani ku doonayo inuu muddo kororsi ku sameeyo ayaa xog ururin warsidaha Garowe Online sameeyey dad badan waxay welwel ka qabaan in shaqada dowlada hoose ee Garowe oo ah mid baaxad weyn ay dayacanto.

"Mid kamid ah xaqiiqooyinka muujinaya in uu Gudoomiyaha cusub isku-hayo labada xil waxaa kamid ah in uu dhowaan tagay Boosaaso si uu u diyaariyo degaanka madaxweynaha oo halkaas ku wajahan," ayuu GO u sheegay qof xog-ogaal ah.

Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sidoo kale ku wajahan xarunta gobolka Bari halkaasoo uu laga daahfuri doono mashruuc lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha.

Booqashadda Boosaaso

Warbixinada ayaa tibaaxaya in mashruucaan ay wada fulinayaan shirkad laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo qaar kamid ah qoyska madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Safarka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli Abu Dhabi ay bilihii lasoo dhaafay ay xoojisay joogitaankeeda xarunta ganacsiga ee Puntland ayna halkaas ku daabushay ciidamo iyo gaadiid.

Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa rumeysan in guddoomiye Geeddi loo keenay "arrimo siyaasadeed" iyo "in uu madaxweynaha ugu ololeeyo guud ahaan gobolka Nugaal".

"Macluumaadka kale ee caddeynaya in Geeddi uu xilalkaas wali isku-hayo waxaa kamid ah in uu shaqaalaha madaxtooyada qeyb badan kamid ah uu lasoo wareegay ayna hadda kala shaqeeyaan degmada," ayay ku dareen illo wareedyada.

Deni oo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay xilheyntiisa ayaa sanadihii uu xilka hayey wuxuu muujiyey hab-dhaqan ka turjumaya in hay'adaha dowliga ah ka weeciyo waajibaadkooda una deegsado arrimo gaar ah sida ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM