Cabdiweli Gaas: "aqbali mayno federaal khilaafsan dastuurka dalka"

Image

June 15, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland aqabali doonin nidaamka federaalka haddii uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka u deggen iyo heshiisyadii horay loo gaarey.

Gaas ayaa warkan ka sheegay xafladdii furitaanka kal-fadhiga 35ad ee baarlamaanka Puntland oo maanta Isniin, June 15, 2015 si rasmi ah u frumey.

"Soomaaliya waxay ku heshiisey nidaamka federalismka...dastuurka federaalkuna wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida dastuurka federaalku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntland waa aabihii iyo hooyadii faderaalka Soomaaliya, waxayna ku hamineysey mar walba Soomaaliya oo ku mideysan habka federaalka" ayuu yiri.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaa raaciyey  "Haddii qaabka hadda federalismka loo wadaa noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u geysanaya maamulladii jirey, waxaa imaaneysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey...dowladda Puntland waxay ka digeysaa in lagu xad gudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka"

La-dagaalanka Al-shabaab:

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland keli ku tahay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab maadaama aysan taageero ka helin beesha caalamka.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in Puntland leedahay ciidamo xooggan oo tayo leh kuwaasoo awood u leh in ay cadow kasta ka difaacaan Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"dowladda Puntland waxay dagaal kula jirtaa argagixisada Al-shabaab...nasiib darro dowladda Puntland dagaalkaas keligeed ayey ku noqotey, waxanse idiin xaqiijinayaa  Puntland waxay leedahay ciidamo amni oo xoog leh kuna filan sugidda amniga gudaha iyo ciddii kusoo xad gudubta xuduudaha"


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM