Cabdiweli Gaas: "wariyaha aan dhexdhexaad noqon waa la xirayaa"

Image

May 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii laga arko inaysan dhex dhexaad ahayn.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay inay jiraan qaybo kamid ah warbaahinta oo wareysta mucaaradka keliya islamarkaana baahiya dacyaadaha ka dhanka ah dowladda, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin.


 

"haddaad damacdo inaad dowladda dumiso, oo maalin kasta dad mucaarad ah u yeeratid oo aad tiraahdid dowladda hala dacaayadeeyo, ma soconeyso... ama wariye ha ahaado ama qof kale ha ahaado haddii qofku sharciga jebiyo dabcan waa la qabanayaa waana la xirayaa"ayuu yiri.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya saddex maalmood kaddib markii magaalada Garowe lagu xirey labo wariye oo ka tirsan Radio Daljir. Sababta wariyeyaasha loo xirey ayaa ahayd kadib markii uu idaacadda ka baxay barnaamij dood ah oo lagu falanqeeyey waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo dhaliilaha dadku usoo jeedinayaan.

Sidoo kale, waxaa todobaadkii hore muddo kooban shaqada laga joojiyey wakiillada Telefishinka SNTV u jooga Puntland, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku eedeysey in telefishinku baahiyey warbixin liddi ku ah qaabka Puntland u qaabishey qaxootiga ka imaanaya Yemen.

Waxaa xusid mudan, in ballanqaadyadii uu sameeyey Madaxweyne Gaas markii la doortey ay qayb ka ahayd inuu ilaalin doono xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM