Cali Xaaji Warsame oo xil ka qaadista lagu sameeyey soo dhoweeyey

Image

GAROWE 17 June, 2015 (GO)- Wasiirkii hore waxbarshada ee Puntland ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey kadib markii madaxweynaha Puntland habeenkii xaley isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirda.

Cali Xaaji oo ku sugnaa wadanka Ingriiska magaaladiisa London ayaa marka xil ka qaadista lagu sameeynayey ku sugnaa goob uu kula hadlayey jaaliyada wadanka Ingriiska..

Warsame oo kamid ahaa tartamayashii xilka uga sareeya Puntland Jan, 2014 ayaa la rumeysan yahay in codadkiisa uu ka heley xildhibaanada Barlamanka ku wareejiyey madaxweyne iminka talada haya Cabdiweli Cali Gaas.

Wasiirkii hore ee waxbarashada hore ayaa galey kaalinta sadexaad ee doorashadii ka dhacdey Puntland sanadkii 2014.

Xigasho Halgan net- HALKAAN KA DHAGEYSO

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM