​Camay oo amar kale soo saaray [Akhriso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo haatan ku sugan degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa soo saaray digreeto kale oo ammaanka ku saabsan taasoo khusayn doonta, baabuurta isaga kala gooshta gobollada maamulkaasi ee qaada dadweynaha.

Amarkan oo maanta soo baxay ayaa dhigaya in la baaro baabuurta rakaabka qaada ee ku dhex safarta gobollada Puntland, waxaana lagu amray baraha kantaroollada inay baaraan islamarkaan liis-gareeyaan dadka saaraan gawaarida ka hor intaan loo ogolaan inay sii wataan socdaalkooda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu amray in laamaha ammaanka loo gudbiyo cid kasta oo aan haysan dammaanad ama la aqoosan waayo.

Waxaa sidoo kale digreetada lagu sheegay in baabuurta rakaabka sida waraaq caddayn ah ka qaataan saldhigga degmada ay ka baxayaan ka hor intaysan aadin goobta ay u socdaan.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu la midyahay midka lagu sugayo ammaanka ee horay u sameeyay baabuurta xumuulka qaada ee isaga kala gooshta Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Qaraxii Galkacyo kadib ayay ahayd markii amar uu soo saaray madaxweyne-kuxigeenka Puntland lagu mamnuucay in gudaha Puntland soo galaan islamarkaana ka baxaan baabuur aan la hubin waxa uu sido iyadoo taasi cabasho ka keeneen ganacsatada iyo maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM