​Camay oo la kulmay madax katirsan UNOCHA

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 October, 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay'adda UNOCHA.

Camay, ayaa la kulmay ninka u sareeya hay'addaas iyo xubnaha shaqada uga hooseeya ee qaabilsan Puntland, kuwaasoo kamid ahaa;ninka ugu sareeya ee lagu magacaabo Mr. Justin Brady.

Labada dhinac, ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland gaar ahaan dhinaca abaaraha, waxaana madaxweyne ku-xigeenku uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii ku aadanaa in beesha caalamku wax ka qabato abaaraha ka jira Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay'adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

UNOCHA, ayaa dhankeeda xustay inay samayn doonto dadaal adag oo ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Kulankan, ayaa yimid xilli dhawaan hay'addan soo saartay warbixin ka hadlaysa xaaladda dadkii ku barakacay colaadda magaalada Galkacyo.

Lama oga in labada dhinac arrintaas kawada hadleen, maadama ay saxaafaddu ka maqnayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM