​Camay oo la kulmay madax katirsan UNOCHA

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 October, 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay'adda UNOCHA.

Camay, ayaa la kulmay ninka u sareeya hay'addaas iyo xubnaha shaqada uga hooseeya ee qaabilsan Puntland, kuwaasoo kamid ahaa;ninka ugu sareeya ee lagu magacaabo Mr. Justin Brady.

Labada dhinac, ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland gaar ahaan dhinaca abaaraha, waxaana madaxweyne ku-xigeenku uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii ku aadanaa in beesha caalamku wax ka qabato abaaraha ka jira Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay'adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

UNOCHA, ayaa dhankeeda xustay inay samayn doonto dadaal adag oo ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Kulankan, ayaa yimid xilli dhawaan hay'addan soo saartay warbixin ka hadlaysa xaaladda dadkii ku barakacay colaadda magaalada Galkacyo.

Lama oga in labada dhinac arrintaas kawada hadleen, maadama ay saxaafaddu ka maqnayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM