Caqabad soo wajahdey doorashadii golaha degaanka ee Eyl

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii maleyshiyaad u abaabulan qaab qabiil ay qabsatay xaruntii doorashada.

QARDHO, Puntland - Maleyshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa qabsatey xaruntii doorashada gudoomiyaha golaha degaanka ee degmada Eyl lagu dooran lahaa saaka aroortii.

Dableyda ayaa, sidda ay wararku laga helayo illaha lagu kalsoonaan karo sheegayan, waxay halkaas ku dhawaaceen askari booliis ah markii ay qabsanayeen goobtaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda hubeysan ay saluugmo ka muujisay sida wax ku socdaan kadib markii Ururka siyaasadeedka Kaah oo ay leedahay Dowladda Puntland uu ku guuldareystay in ay soo xulaan musharaxii ugu tartami lahaa gudoomiyaha golaha degaanka ee degmadaas.

Musharaxiinta - gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka degmadda - ee ururka KAAH oo kaliya ku tartami lahaa doorashadaas ayaa ku fashilmay in ay isku tanaasulaan.

Labadaan xubbnood oo ka tirsan xubnaha golaha degaanka degmada ugu jira ururka Kaah ayaa muddo ka badan 10 sano xafiiska degmada EYL u joogey.

Tafaasiisha Xarunta Doorashadda Eyl oo la weeraray

Fahfaahinta ayaa tibaaxaysa in 13-ka xubnood ee ururka KAAH ka heley doorashadii golaha degaanka ay la kala safteen Guddoomiyahii hore Eyl iyo ku xigeenkiisa.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in ururada siyaasada ee kale ay xubnaha ay ku leeyihiin golaha degaanka EYl ay taageero iyo iney codka siinayaan u muujiyeen gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada EYl.

Warar dheraad ah ayaa sheegaya in Dowladda Puntland ciidamo u dirtey degmadda Eyl si ay isugu dayaan in ay "rabshad la'aan" xarunta dib ugu soo celiyaan "gacanta sharciga ah".

Dhinaca kale, waxaaa socda dadaal ay wadaan odayaal dhaqameedyo kuwaasoo doonaya in maleeshiyo beeleedkaan ay ka saaraan goobta si loogu qabto coddeynta.

Doorashooyinkii laga qabtey sadexda degmo ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl oo horey loogu eedeeyey iney ragaadiyeen musuq-maasuq iyo is-daba-marin ayaa marka laga soo tago magacyadda ururada siyaasada huwan yihiin waxaa hoos kaga qarsoon hab-qaybsi qabiil taas oo aan wax badan ka duwaneyn nidaamka hore ee qabaliga kuwaas markii hore golayaasha degmadda ku dhisnaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM