Caruur aan qaan-gaarin oo coddeysay doorashadii Puntland

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa helay mid kamid ah caddeymaha daahfurnaan la'aanta coddeynta.

GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu helay muuqaal muujinaya caruur aan qaan-gaarin oo ka codeynaya degmada Ufeyn Maalintii doorashadda Gollaha degaanka Oct 25-teeda.

Muuqaalkan ayaa imaanaya xili afar Urur Siyaasadeed oo ka qeybgalay doorashadda ay qaadaceen natiijadda TPEC ay ku dhawaaqdey, iyagoo sheegay in "si hufan aysan u dhicin codeynta".

Sidoo kale, muqaalkaan ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda in aysan qarsooneyn goobta ay ka qabsoontay cod-bixinta iyo in qaar kamid ah cod-bixiyeyaasha aysan aqoon nidaamka oo loo tilmaamayo.

Urur siyaasadeedyadda Horseed, Runcad, Mustaqbal iyo Ifiye ayaa ku dhawaaway in ay sameysteen is-baheysi siyaasadeed, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen.

Doorashaddii ka dhacdey Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayay xuseen in mabda' ahaan ay soo dhaweynayaan balse waxay tibaxeen in ay jirtay "musuqmaasuq, cagajugleyn iyo kaarar si jumlo ah loo bixiyey".

Sida laga soo xigtey qoraalka, Guddiga Doorshadda KMG ee TPEC ayaa "baalmaray hirgalinta shuruucda doorashada loo dajiyay, sida ogaanshaha ilaha dakhliga ururrada, xakameyn la’aanta laaluushka xiliga doorashadda iyo jabinta Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyaha".

Beesha Caalamka ayay cod dheer ugu baaqeen in ay baaritaan ku sameyso cabashooyinka ay ka muujiyeen doorashooyinka ayaga oo cambaareeyay ansixinta TPEC ee natiijadda coddeyntii dhacdey.

Ugu dambeyntii, madasha ayaa walwal ka muujisay "sii socoshada iyo mustaqbalka hannaanka axsaabta badan ee Puntland maadaama ay ku bilaabatay wadiiqo qaldan iyo nidaam sharci darro ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM