Cawil Xaamud: PDRC waxay ka weecatay shaqadii loo aas-aasey

Image
Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa sheegay in xarunta ay "ku milantey siyaasadda".

GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta dowladda Puntland, Cawil Sheekh Xaamud, ayaa wuxuu sheegay in xarunta PDRC ay ka weecatay shaqadii loo aas-aasey oo ahayd cilmi-baaris iyo horumarin.

Cawil oo la hadlay warbaahinta Dalmar ayaa shaaca ka qaadey in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu door-biday in uu magaca hay'adda u adeegsado hirgelinta damaciisa doorashada qof iyo cod ee la isku haysto.

"Ulama jeedo Juxa (wasiirka cusub ee arrimaha gudaha) ayaa ka yimid. Dad kale oo badan waa ka yimaadeen. Mana diidani in ay wadashaqeyn yeeshaan PDRC iyo Madaxtooyadda," ayuu tibaaxay.

Wuxuu intaas kusii daray: "Laakiin waxaan dhaliilsanahay in uu [madaxwaynuhu] door-biday in maadaama maalmahan ay ayagu ka hadlayeen doorashooyinka [uu magacooda adeegsado]".

Bar-bilowga isku-milanka labada dhinac

"PDRC waxaa marka hore loo aas-aasay in ay sameyso cilmi-baaris cilmi ku saleysan. Laakiin waayadii dambe waxay isku badaleen dad iska wareegaya oo wacyi-gelino iska sameynaya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xarunta oo kamid ah kormeereyaasha doorashooyinkii tijaabada ahaa ee ka qabsoomay saddexda degmo waxay ku guuldareysatay in ay soo saarayo warbixin dhexdhexaad ah oo tilmaameysa khaladaadkii dhacay kuna cadaadineysa dowladda in nidaamka uusan sii socon karin illaa laga saxo madmadow iyo is-dabamarinta dhacdey.

Ururadda Siyaasadda degaanadda Puntland ayaa ku eedeeyay hogaanka PDRC in gudashada waajibaakooda ay ka door-bideen in ay " doontaan" mashaariicda lagu bixiyo barnaamijka doorashooyinka kuwaasoo qaarkood lasoo mariyo guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ah ee TPEC.

Kulamo ay xarunta qabatay kadib doorashooyinkii sababay natiijadda lagu muransan yahay ayaa u muuqday in ay si iskood ah isugu xil-saareen in ay u ololeeyaan dhaqaajinta barnaamijkan ayaga oo taageeraya Madaxtooyada.

Howlgab ka dhigida guddiga TPEC

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo guda galay halkiisii sano ugu dambeysay muddo xileedkiisa ayaa dhinac iska dhigay cabashooyinka laga muujiyey barnaamijkan wuxuu u bareeray qardo-jeexida hayaankan.

Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaasoo guddoomiyahoodii Guuleed Saalax uu shaqada ka tagay kadib fadeexadii ka dhacdey coddeymihii horudhaca ahaa ayuu sidoo kale howlgab ka dhigay.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay ka dhaadhacsan tahay in xubnaha guddigan oo loo yaqaano TPEC aysan fulinayn qorshihiisa. Taas badalkeeda, Deni wuxuu doorbiday in barnaamijka ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha iyo Juxa.

Talaabooyinkan oo u muuqda afduub loo geysanayo geedi-socodka dimuqraadiyadda dowladda Puntland ayaa waxay meesha ka saareysa rajadii laga qabay in barnaamijkaan noqdo mid hanaqaada oo lagaga baxo nidaamkii hore. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM