Ciidamada PSF ee Puntland oo ku biiraya dagaalka Galmudug

Image
Fahfaahinta ayaa muujinaysa in si gaar ah ay uga qeyb qaadan doonaan duulaanka magaalada Xarardheere.

GAROWE, Puntland - Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland ee PSF loo yaqaano lagu wado in ay markii ugu horeysey qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug.

Fahfaahinta ayaa muujinaysa in si gaar ah ay uga qeyb qaadan doonaan duulaanka magaalada Xarardheere ee xeebta ah oo ka mid ah meelaha saldhigyada ugu waaweyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin.

Ka qeybgalka PSF ee dagaalkan ayaa la wariyay in ay tahay arrin ay isla ogolyihiin Puntland, Galmudug iyo dowladda Federaalka, iyada oo ay kaalin ku leedahay dowladda Maraykanka oo maalgalisa ciidamadan sida gaarka ah u tabobaran.

Waxaa jirtay mar Puntland iyo Galmudug isku qabteen cidda yeelanaysa amarka iyo dagaalgalinta ciidamada PSF maadaama ay ka hawlgalayaan deegaanada Galmudug, balse arrintaasi hadda waa la xaliyay, waxaana hawlgalintooda leh Puntland.

Kaalinta PSF ee dagaaladan ayaa la aaminsan yahay in ay culeyska kusii kordhiseysa xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida oo dowladda federaalka warisay "in ay ku jirto xaalad baxsad ah".

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysey oo ciidamo Puntland ah ka qeybqaataan dagaalo ka dhacaya meel ka baxsan maamulka, waxayna tani qeyb ka tahay istaraatiijiyadda amniga Puntland ee ah in shabaabka kusoo jaba Galmudug aysan soo galin buuraha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM