Ciidamada Puntland oo wareejiyey gadiid ku wajahnaa gobolada dhexe ee Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada kumaandooska Puntland oo bishii hore dabayaqadeedii qabsadey gawaari kuwa loo yaqaano Cabdibilayaasha ee ku socdey degaanka Ceelbuur ayaa wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in dib loo celiyey kadib markii arinkaas soo dhex galeen waxgaradka gobolka Nugaal.

Gawaaridaan oo ka koobnaa 4 baabuur kuwa Landcruiser korka ka furan iyo gaari aan Xabadu karin ayaa saaka ciidamadu geeyeen guriga Islaan Ciise Islaan Maxamad iyadoo la filayo inuu ku wareejin doono xukuumada Puntland.

Gaadiidkaan oo saarnaa Markab raashin macaawino ah sidey ayaa dowlada Federaalka la sheegey iney u soo dhiibtey ciidamo ka tirsan qabiilka la yiraahdo Duduble Habargadir kuwasoo degaano ku dhow magaalada Ceel buur kula dagaalama ururka Al shabaab.

Ciidamada gadiidkaan qabsadey oo cabashooyin muujinayey ay ka qabaan dhinaca xukuumada Madaxweyne Gaas sida dayactir la'aan lasoo gudboonaatey gadiidka ay wataan ayaa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ku sugan gobolka qayb ka qaateen iney ku qanciyaan in gadiidkaan ku socdey degaano kale islamarkaana aysan mulkiiladiisu aysan laheyn shacabka Puntland.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaan ka qayb qaadan wadahadalka loogu jirey siideynta gadiidka marka laga reebo saraakiil gaarsiisan Heer Agaasime kuwasoo degaan ahaan kasoo jeedey gobolka Nugaal.

Gaariga kuwa Xabadu aysan karin ayaa wararku leeyihiin in loo wadey Odey dhaqameedka ay leedahay beesha Duduble kaasoo xiriir lasoo sameeyey dhaqanka gobolka Nugaal halkaasoo ciidanka gadiidka qabsadey ka howlgaliyeen.

GRAOWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM