Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Image
Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF oo hawlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha Qarxa.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska PMPF, shaqsigan ayaa waxa uu ka tirsan yahay "kooxaha argagixisada ah ee cadawga ummadda Soomaaliyeed". 

Hawlgalladan qorshaysan oo ciidanku si joogta ah u fuliyo markasta waxa ay xalay ku qabteen Bambooyinka Gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo sharwadihii watey hubkaasi.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in hubkan uu ujeedkiisu ahaa inay ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada Boosaaso. Ciidamada PMPF marna cadawga uma ogolaanayaan inay shacabkooda waxyeelo u gaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM