Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dowladda Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Dad ku sugan magaaladda oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana la filayo in wadahadallada socda lagu soo afjaro murankii ka dhashay xilka qaadistii dhawaan Deni ku sameeyay agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Ciidamada saakay lagu arkay wadooyinka waxay katirsan yihiin booliska, iyadoo goobaha muhiimka ah ee magaaladda ku baaraya gaadiidka raaxadda, iyagoo ka feejigan in xaaladda jirta ay kooxaha argagaxisadda ka faa'ideystaan, oo weeraro ka fuliyaan.

Mas'uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Puntland ayaa ku sugan Boosaaso, waxaana socda dadaallo ay wadaan dhinacyo kala duwan oo Madax dhaqameedka kamid yahay, kuwaasoo isku dayaya in si nabdoon lagu soo afjaro xiisaddii jirtay.

Boosaaso oo ah caasimadda ganacsiga Puntland ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxaan Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen, iyadoo kuwa dowladda ka amar-qaata ay isku dayayeen inay dhaqan-geliyaan digreetada Madaxweyne Deni.

Waxaa jiray baaqyo kala duwan oo qeybaha Bulshadda ka imaanaya oo ku aadan in laga baaqsado dagaal ka dhaca Boosaas, oo wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira, maadaama ay xaaladda taagan ay cadowga u noqon karto inuu ka faa'ideysto oo wax u dhimo xasiloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM