Ciidamo sugaya amniga doorashada oo Garowe lagusoo bandhigay [Sawirro+Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland iyo saraakiil kale oo dowladda katirsan ayaa galabta goob joog ka ahaa madal lagu soo bandhigayay ciidamo isku dhaf ah oo la sheegay inay sugi doonaan amniga goobaha lagu qaban doono doorashada ee caasumadda Puntland.
Taliyaasha ciidamada Madaxtooyada iyo qaybta Booliiska gobolka Nugal, Cabdirashiid Kabtan iyo Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax, ayaa shacabka Garowe ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, wuxuuna sheegay inaysan wax dhibaato ah u gaysan doonin bulshada si wanaagsanna loola macaamili doono.
Ciidamada ayay ugu laab-qaboojiyeen inay markasta garab taaganyihiin oo wixii taageero ah diyaar la yihiin.
Duqa degmada Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa xusay in isbadal dhinaca ammaanka lagu sameeyay caasumadda, isagoo sheegay in Ergadad timid magaalada nabad galyadooda xil la iska saaro, wuxuuna tilmaamay in qof kasta uu yahay Askari dalka u shaqeeya.
Wuxuu xusay in ciddii gacanta lagu dhigo iyagoo falal amni darro ku jira in xabsi adag la dhigi doono islamarkaana ay adkaan doonto in si sahal uga soo baxaan xarigaas. Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay ilaashadaan ubadkooda.
Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Faraweyne, ayaa ammaanay dabeecadda bulshada Garowe iyo guud ahaan gobolka Nugal, wuxuuna sheegay inay yihiin dad u bisil hormarka iyo kala dambaynta, isagoo soo hadal qaaday shirarkii waaweyn ee caasumadda Puntland horay loogu qabtay taasoo sheegay inay ku timid feejignaanta ciidmada amniga.
Cumar, ayaa taabtay qodob ku saabsan dhinaca warbaahinta oo ka hadlay duqa degmada Garowe, wuxuuna sheegay in waddanka dowlad ka jirto islamarkaana aan loo baahnayn in la faafiyo waxyaaba aan munaasab ahayn, isagoo ku sifeeyay saxaafadda maanta jirta mid lamid ah Saacadaha dadku xirtaan [Micno ahaan islama socdaan dhinaca waqtiga], sida uu sharaxay Guddoomiyuhu.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Nuur Cilmi Koor, ayaa fariin adag u diray dad uu sheegay inay ku cayaarayaan sumcadda nabadoonnada Puntland, wuxuuna tibaaxay inay guddiga doorashada u gudbiyeen liis lagu muujiyay dadka madax dhaqameedka u ah qabaa'ilka ee ka diiwaangashan wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo xusay in qorshah socda loogu talo galay in wax lagu dhiso ee aan bur-bur loogu horseedin dadweynaha.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, oo kalmado dar-daaran ah u jeediyay ciidamada loo xil saaray amniga, ayaa sheegay in shaqadan aysan ka badalnaan doonin tii hore ee ay mudada usoo dhibaatoonayeen, wuxuuna ku booriyay inay adkeeyaan ammaanka goobaha doorashada, wuxuuna ugu baaqay inay waji ahaan is-bartaan si aysan isku dhac u imaan, isagoo ALLE uga baryay inuu u fududeeyo xilka la saaray.
Arrintan ayaa timid iyadoo lag filayo in maalinta Sabtida ee soo socota magaalada Garowe ka bilaabato doorashada xubnaha u sharaxan Aqalka hoose, waxaana guud ahaanba jawi siyaasadeed laga dareemayaa caasumadda Garowe iyadoo la adkeeyay ammaanka oo ay sugayaan ciidamada Puntland, halka maamullada qaar la geeyay ciidamo kasocda AMISOM.
GAROWEONLINE