Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Muxiyadiin oo Tukaraq u ruuqaansadey

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa maanta oo Tallado ah ka baxay magaalada Garowe iyagoo ku wajahan deegaanka Tukaraq, halkaasoo ay shalay soo gaareen muddo koobanna ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland.

Muxyadiin Axmed Muuse oo hadal kooban warbaahinta siiyay kahor intii uusan Garowe ka ambabixin, ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaaminayaa kasoo socdaaleen degmada Dongorayo ee gobalka Nugaal ayna ka qayb qaadanayaan difaaca jiritaanka Puntland iyo la-dagalanka kooxaha cadowga ah, waa sida uu hadlka u dhigaye.

HALKAN KA DHEGEYSO WARAYSIGA GEN. MUXYADIIN

Docda kale, Ciidamo tiro badan oo watey tobannaan gaadiidka dagaalka ah uuna hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada difaaca Putland Gen. Siciid Dheere oo xalay Garowe ka baxay ayaa goor hore oo saaka ah gaarey deegaanka Tukaraq.

Ciidamadan waxaa la socdey mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin: Wasiirka Amniga Xasan Alloore iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Karaash.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan u dulqaadan doonin wax lagu tilmaamey daandaansi qaawan oo maamulka Somaliland ku hayo dadka iyo deegaannada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM