Covid-19: Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 194 maxbuus

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyey 194 maxbuus oo ku xiran gebi ahaanba xabsiyadda Puntland, sidda ay maanta ku dhawaaqdey Wasaaradda Cadaaladda.

Cafiskan madaxweyne ayaa la xiriira ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona, sidda uu warbaahinta maxaliga ah u sheegay Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka wasaaradaas.

Mr Xaamud oo "arrin farxad leh oo mudan lagu farxo" ku qeexay go'aankaas ayaa ku nuux-nuux sadey in uu soo baxay maanta, oo ay taariikhdu ku asteysan tahay 14-ka bisha April, 2020-ka.

Sidda uu ka dhawaajiyey wasiirka, maxaabiista la cafiyey ayaa ah kuwa kaliya u xiran dambiyadda fud-fud "si loo yareeyo ciriiriga ka jira xabsiyadda".

Degaanada maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa nan laga soo warin xaalado la xiriira Covid-19, balse waxaa laga waayey dad laga baarey markii ay kasoo laabteen safar dibada ah.

Xabsiyadda ayaa lagu waramay in ay kamid yihiin meelaha aad ugu nugul in uu ku faafo cudurka, kuna dilo maxaabiista, maadaama isu-imaatinka iyo isu soo dhowaanshiyaha ay ku badan yihiin.

Wadamada caalamka ayaa waxaa laga xaqiijiyey in maxaabiis badan uu galaaftay xanuunkaan aan wali daawada loo helin.

Coronavirus oo bishii December, 2019-kii ka dilaacay magaalada bartamaha waddanka Shiinaha ku taala ee Wuhan ayaa ku dhacay in ka badan 1.8 milyan oo ruux; tirro ka badan 100-kuna uu wuu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM